29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xamza oo war ka soo saaray geerida Jeneraal Moorgan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabtay ku geeriyooday dalka Kenya.

“Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka  qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Xamsa ayaa sheegay in Marxuumku kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowladdi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Moorgan soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybo kala duwan oo kamid ahaa hoggaankii ciidanka.

“Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, ” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey.

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News