R/W Xamza oo isugu yeeray hay’adaha garsoorka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa kasoo qeyb-galay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Masuuliyiinta qeybta ka ahaa kulankaan ayaa waxaa kamid ahaa; Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Intii uu socday kulankaan ayaa waxaa lagu fallan-qeeyay muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxkamadaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Xasan Sheekh ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen garsoor madax-bannaan oo hufan, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.