R/W Xamza oo Midowga Yurub ka helay ballan-qaad muhiim u ah dagaalka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaamiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligaan.

Mudane Xamza ayaa si gaar ah u tilmaamay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee kooxdaasi ka curyaamisay.

Ms Tiina ayaa ra’iisul wasaaraha u xaqiijisay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhan ka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.