Shariif oo hogaanka u qabtay mucaaradka huursan ee DF kadib tallaabo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii si xoogan uga horyimid dhaq-dhaqaaqa muddo kororsiyada is-huwan ee ka socda dalka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka socda abaabul iyo mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, kaas oo ay ku doonayaan in muddada xil-haynta labada Aqal looga dhigo Shan sano.

Hadda muddada xil-haynta ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waa Afar sano, sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa dhawaan hal sano loogu ansixiyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Inkasta oo ay midda federaalka adag tahay oo ay u baahan tahay in la helo saddex meelood laba kamid ah labada Aqal si loo bedelo qodob Dastuuri ah, haddana Shariif Sheekh Axmed iyo xisbigiisu waxay ku tilmaameen kalsooni darro haysata madaxda la doortay.

Marka laga reebo Saciid Deni, dhamaan madaxda maamul-goboleedyada ayaa iyaguna sameystay muddo kororsi hal sano ah, taas oo xisbiga si weyn u diiday isaga oo aan kala qaadin.

Waxay ku baaqeen in madaxda ku shaqeeyaan muddada ay haystaan, Dastuurkana ay ilaaliyaan. Wax aan suurtoobi karin ayay ku tilmaameen in qof xafiiska doorasho iyo sanado la isla yaqaano ku yimid in isagu gacantiisa ku bedesho muddada uu fadhinayo kursiga.

Qorshooyinkan socda ayuu xisbiga Himilo Qaran ku tilmaamay kuwa abuuri kara xasillooni daro siyaasadeed iyo qalaalase horleh, sidoo kalena wiiqi kara dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee garwadeenka ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu xisbiga Himilo Qaran ee Shariifku hoggaamiyo waxa uu ku tilmaamay mid loogu gogol xaarayay muddo kororsi heer federaal ah.

Qoraal adag oo xisbigu soo saaray ayaa si weyn loogu diiday tallaabadan dastuur jabinta ah, iyada oo la xasuusto wixii doorashadii ugu dambeysay ka dhacay dalka kadib markii madaxweyne Farmaajo uu isku dayay inuu labo sano ku darsado.

Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in xisbigiisu sidan u hadlo waxay ka dhigan tahay inuu durtaba isagu qaatay hoggaamintii mucaaridka iyo dhinaca kale inay kooxdiisu tahay qolada qura ee si cad u diiday in Dastuurka la jabiyo.

Waxay kasoo baxeen xeyndaabka mucaaridka huursan, waxayna berri heli karaan waddo ay wax badan ku diidaan, dadkuna ugu garaaban.