Mareykanka oo dalbaday in dunida aysan Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan hoos u dhac ku yimaada gargaarka bini’aadannimo, xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan.

Deeq-bixiyayaasha ayaa Soomaaliya caawinayay tobannaan sano, inkasta oo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin, sida ay sheegeen qaar kamid ah howl-wadeenada gargaarka.

Dalalka deeq-bixiyaasha oo ay wehliyaan dhibaatooyin badan oo dunida ka jira ayaa sidoo kale u baahan taageero bini’aadannimo, taas oo hoos u dhigi karta heerka lacagaha ay Soomaaliya hesho, sida ay sheegeen madaxda howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa weli ah deeq-bixiyaha kaliya ee ugu badan ee bixiya gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya, hase yeeshe xilligaan waxay Ameerikaanku dalbadanayaan in dunida kale aysan ku fiirsan, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Sarkaalkan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ugu deeqday illaa $1.3 bilyan oo gargaar ah tan iyo bartamihii sanadkii 2021-ka.

Waxa uu si cad u sheegay sarkaalkan in Mareykanka uusan dabooli karin kaligiis baahida bini’aadannimo ee Soomaaliya, taasi oo mareysa marxalad si weyn looga deyrinayo.

“Kaligeena ma sameyn karno shaqada intaas le’eg waxaana ugu baaqaynaa dhamaan deeq-bixiyaasha inay kaalintooda ka qaataan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen joogteynta iyo kor u qaadida jawaabta xaaladdahaasi si loo hubiyo in gargaarku uu sii socdo heerarka lagama maarmaanka ah.”

Sarkaalkan ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa uu intaas kusii daray “Mareykanka waa sii wadayaa ka jawaabida xaaladda bini’aadannimo, badbaadinta nolosha iyo ka-hortagga bilowga macluusha iyo dhimashada baahsan.”

Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar ay ku noolaadaan.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay haddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaaladda taagan.