HirShabeelle oo si carro leh uga hadashay weerarkii ka dhacay degmada C/casiis

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku billowday ee ay Al-Shabaab shalay ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidanka Macawiisleyda.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaciyay in dagaalkaas lagu dilay 10 ka mid ahaa ciidanka Macawiisley ee horay ugu soo dhaawacmay dagaalka Hiiraan, wuxuuna intaasi ku daray in dadka la dilay uu ku jiray dhaqtarkii gaarka ahaa ee baxnaaninayay dhaawacyadaasi.

Karoore ayaa sidoo kale xusay in weerarkaan uu ahaa mid aargudasho ah oo ay Al-Shabaab uga jawaabeyso jabkii loogu geystay gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa niman looga adkaaday dagaalkii furinta ahaa marka aarsi iyo cadowtinimo ayey ku jiraan, marka waxa ay rabaan inay dadka xanuunjiyaan,” ayuu yiri Wasiir Karoore.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dayac amni lagu sameeyay dadkaasi, isaga oo sababta ku sheegay in reer Hiiraan aysan wa metalaad ah ku laheyn gobolka Banaadir.

“Waa qorshe ay maleegeen oo ay ku guuleysteen, Gobolka Banaadir haddii ay tahay amnigii iyo talooyinka kaleba dadka deegaankaas kasoo jeedaa wax metelaad ah kuma lahan,” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxaana fuliyay afar nin oo la toogtay, ayada oo mid kale oo shanaad uu isku qarxiyay afaafka hore ee guriga la weeraray.

Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda shaacisay in dagaalka lagu dilay 10 qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 7 kale oo ay afar ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka amniga.

Si kastaba,, weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana ay dowladda Soomaaliya ay guullo ka gaartay howlgallada ka socda gobollada, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab, oo dhankeeda iyaduna haatan culeys soo saartay gudaha magaalada Muqdisho.