R/W Xamza oo sameeyay ballan-qaad muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, ayaa waxa uu sameeyay magacaabistiisa kadib ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ballan-qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, islamarkaana uu har iyo habeen u istaagi doono sidii uu waajibka loo igmaday u gudan lahaa.

“Arrimaha waaweyn ee dalka iyo dadka horyaalla ee kow ka tahay Xasilooni siyaasadeed sidii loo abuuri lahaa, Amniga sidii loo sugi lahaa, Abaaraha dabada dheeraaday sidii xal waara looga gaari iyo sidii Dastuurka qudhiisa daba dheeraaday ee mudada dheer jiitamayay dib u eegistiisa lagu soo gaba-gabeyn lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha horyaalla xukuumad cusub ay tahay sidii Wada-hadalka Somaliland looga gun-gaadhi lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhalinyarada loogu sameeyo shaqo abuur.

“Sidii loo hirgelin lahaa hal-ku-dhiga weyn ee ballaaran ee Soomaalida oo dhan wada ogtahay ee Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah, intaas oo dhan waxay u baahan tahay dadaal iyo juhdi.”

Xamza Cabdi Barre ayaa kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.