R/W Xamza oo shaaciyay arrin weyn oo ka go’an kadib farriin uu udirey ciidanka

Mugdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna.

Sidoo kale waxa uu sheegay iyada oo ahmiyada laga duulayo ay xukuumadda Dan-Qaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurta-gelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waa astaan qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wasaaraha “Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, islamarkaana ay xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo difaacaya qarankooda.