Maxay maanta uga dhigan tahay SOOMAALIYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira caalamka.

12-ka April, waxa ay kamid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeyb qaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aas-aaskii ciidanka xoogga

Sanadkii 1960-kii, gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada, islamarkaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee qaaradda, kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha hoggaanada ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada, sida;

1- Ilaalinta xuduudaha dalka
2- Difaaca dadka iyo dalka
3- La-dagaallanka argagixisada iyo ka qeyb qaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

Kadib kolkii loo howl-galay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeyb qaata socodsiinta howlaha ciidamada, haddeey ahaan lahaayeen dhanka maamulka maaliyadda iwm.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964 illaa 1977-dii in ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo, islamarkaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka iyo soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada, haddana waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, islamarkaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa, iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka, waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

Waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, islamarkaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xilligaan adag ee lagu jiro waxaa ciidamada xoogga la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii xuska sanadkaan ee sanad-guurada 64-aad, ciidanka xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Sonna