Dowladda oo beenisay arrin la xiriirta xiisadda Itoobiya oo ka careysiisay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararar soo baxay, kuwaasi oo sheegayay inay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Cumar ayaa intaas sii raaciyay “Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.