R/W Xamza oo shaaciyay in Somalia leedahay laba cadow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Soomaaliya xiligaan ay leedahay laba cadow oo dhibaato ku haya, kuwaasi oo u baahan inay dadka Soomaaliyeed ka hortagaan.

Waxa uu sheegay in cadowga koowaad ee Soomaaliya ay tahay abaarta saameysay dad iyo duunyo, taasi oo si weyn loo dareemay, halka cadawga labaad ay yihiin ururka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan,” ayuu yiri.

“Saaka oo u dambeysay waxaa cadawga laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.”

Sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabad-gelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galgaduud.

Xamza ayaa ugu dambeyntiina xusay in loo baahan yahay wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.