R/W XAMZA oo war cusub kasoo saaray khilaafka DF kala dhexeeya Puntland + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan Kismaayo ayaa war cusub kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.

Xamza oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo ay su’aallo ku weydiinayay reer Kismaayo ayaa wax laga weydiiyay khilaafka labada dhinac iyo xal u heliddiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii loo xalin lahaa Puntland, ayna u direen ergo saddex madaxweyne ah, si ay usoo qanciyaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, dhankoodana ay diyaar u yihiin xalka.

“Waxaan dirnay ergo ka kooban saddex oo dowlad goboleedyada madax u ah inay u tegaan madaxweyne Saciid oo ay kusoo qanciyaan wax alle wixii tabasho ah iyo aragti ah uu nagu khilaafsan yahay inuu keeno, annagana aan diyaar u nahayn inta aan kala fadhiisano oo aan ka doodnom haddii uu naga saxan yahayna aan qaadano tiisa” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa laga hadlayana State looma hadlaayo, reerna looma hadlaayo, qofna looma hadlaayo ee waxa laga hadlaayo waa Soomaaliya”.

Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Puntland ku sifeeyay inay da’ weyn tahay maamul goboleedyada, isla-markaana la dul mari karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland meel la’iska dul mari karo ama meel si sahlan looga gudbi kari ma’aha shacabkeeda, aqoonyahankeeda iyo madaxdeeda”.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda federaalka ay ku rajo weyn tahay in xalka la heli doono, Puntlandna ay kusoo noqon doonto saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

“Mar walba waxaan ku rajo weynahay in aan isku imaan doono oo Puntland waxaan oo dhan hormuud ka noqon doono, Puntland nagama maqna, laakiin waa sugeynaa” ayuu yiri.

Si kastaba, khilaafka Muqdisho iyo Garoowe ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, kuwaas oo ku kala tegay arrimaha siyaasadda dalka.