Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqday degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda, isaga xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta illaa saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Waxaa ra’iisul wasaaraha booqashadan iyo xarig jarka ku wehlinayay duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu maamukiisu dhisay waddadaasi.
Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.
Ra’iisyl wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha amniga sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu.
“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. ayuu khudbaddiisa ku yiri Ra’iisul wasaare Xamza.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.
Horay ra’iisul wasaaraha ayaa sidaan oo kale xarigga uga jaray waddada Taleex ee magaalada Muqdisho, taas oo iyana lagu sameeyay dib u dhis ballaaran.