R/W Xasan Cali Kheyre oo xalay soo saaray warqad su’aalo iyo shaki abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad xalay kasoo baxday ra’iisul wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Khayre, oo lagu magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1da July, ayaa abuurtay su’aalo iyo jahwareer ku saabsan xilliga ay kusoo aaday.

Inta badan madaxda dowladda ayaa guddiyada qaban qaabada munaasabaddan magacaabi jiray horaanta bishan June, hase yeeshee guddiga Kheyre uu xalay magacaabay ayaa kusoo aaday lix bil ka hor maalmahan xoriyadda.

Warqaddan ayaa siyaabo kale duwan loo dhigay. Dadka qaar ayaa ku qeexay warqad soo qaldantay, halka qaar ay si kaftan ku jiro u yiraahdeen “Xafiiska Kheyre waxaa isaga qaldamay Janaayo iyo June.”

Caasimada Online ayaa xitaa marka ay warqaddan ugu soo dhacday emailka u qaadantay mid soo qaldantay, hase yeeshee xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre ayey noogu xaqiijiyeen inay warqadda sax tahay.

Mid ka mid ah saraakiisha xafiiska ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta guddigan xilli hore sanadkan loo magacaabay ay tahay ayada oo xuskan uu yahay midkii 60-aad, islamarkaana uu ka weynaan doonaan kuwii hore.

Sida warqadda lagu sheegay xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkaan 2020.