Axmed Madoobe iyo Deni oo ku kulmaya Garoowe

Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa beri ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kalan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Kulankaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in labada madaxweyne ay uga hadli doonaan doorashada 2020 illaa 2021-ka iyo hanaanka kala guurka ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaani gaarka ah la filayaa in lagu soo qaado xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan midka Puntland iyo Jubbaland.

Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe ayaa Deni noqday madaxweynaha kaliya ee sida u dhow u garab istaagay marka loo fiiriyo maamullada kale ee dalka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha ay dowladda dhexe ay ku wajaheyso maamullada ee ka jira dalka, taas oo sii xumeyso xiriirka kala dhexeeya xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Lama oga halka uu ku furan doono khilaafka weli dowladda kala dhexeeya labadaan maamul, iyadoo la diyaarinayo qorshaha doorashada ee 2020-ka.