R/Wasaare Kheyre oo kusoo laabtay Muqdisho kadib ‘xil ka qaadistii lagu sameeyey’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu maanta Baarlamaanku uu sheegay inuu kala laabtay kalsoonidii ayaa goordhow kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kheyre ayaa waxa ku wehliyey safarkiisa xubno ka tirsan xukuumadiisa la sheegay in xilka laga xayuubiyey, mana jirin soo dhoweyn ballaaran oo loogu sameeyey garoonka Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Xasan Cali Kheyre oo ku saabsan soo laabashadiisa iyo xilka qaadistiisa, waxaana lagu wadaa in uu caawa qabto shir jaraa’id, oo uu xog badan ku bixin doono.

Xasan Cali Kheyre ayaa kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug oo uu ku saabsanaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka ay kasoo horjeesteen xubno kamid ah xukuumadii Kheyre.

Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.