Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaare KMG ah, sameeyeyna ballan-qaad la xiriira doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii guddoomiyaha baarlamanka uu maanta shaaca ka qaaday in xilka laga qaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo madaxweyne Farmajao uu soo dhoweeyey.

“Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale qoraalka ka ballan-qaaday inay ka go’an tahay dhaqan-gelinta qodobadii shirka Dhuusamareeb, iyo in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.