Mursal oo dalab deg deg ah u diray Farmaaj kadib ‘xil ka qaadistii’ R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii uu maanta soo xiray kulankii baarlamaanka ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu deg deg usoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.

Guddoomiye Mursal ayaa ku doodaya in xukuumada Kheyre ku fashilantay qabashada doorashada 2020/2021, isla markaan uu goluhu kala laabtay kalsoonidii uu hore u siiyay xukuumada Kheyre.

Waxaa uuna sheegay in 170 Xildhibaan ay xilka ka qaadeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo gebi ahaanba xukuumaddiisa, arrintaasi oo lama filaan noqotay.

Mursal ayaa raba in Farmaajo uu si deg deg ah usoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub, oo muddo kooban kusoo dhisa xukuumad cusub oo dar-dar gelisa howlaha qaranka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Xil ka xayuubinta uu maanta shaaciyay Mursal ayaa noqotay mid lama filaan ah, taasi oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixayso Villa Somalia oo Kheyre u aragta caqabad hor taagan muddo korodhsiga.