RAAD-RAAC: Yuusuf Garaad Cumar iyo hab maamulkiisa wasaaradda

By Asad Cabdullahi Mataan

Qoraalkaan iyo qoraale kale oo soo socda, waxaa ay ku saabsan yihiin, oo aan doonayno inaan ifino caqabado ceeb ku ah qarankeena Soomaaliyeed , caqabadahaas oo u si joogta ah u galo, Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Qoraalka iyo Qoraalada soo socda, ma’ahan qoraal mucaarad siyaasadeed ah ama kuwa loogu xadgudbayo shaqsiyada Yuusuf garaad, lakiin waa qoraalo ku dheehan dhacdooyin xaqiiqa ah, oo la baari karo, oo dhamaantooda, Wasiir Yuusuf si qalad ah oo sharci daro ah isla markaana musuqmaasuqnimo ku dheehantahay uu u maamulay xilka loo dhaariyey ee lagu aaminay.

Qoraalka 1aad: DHACDADA  ABIDJAAN IYO ROOGA GADUUDKA AH.

Shirka Abidjaan waxaa uu ka mid ahaa shirarka aduunka ugu muhiimsan sanadka 2017, waxaa isugu imaanayey Madaxweynayaasha dalalka Qaarada Afrika iyo Qaaradda  Yurub, shirka waxaa ay ahayd sadex qeybood ama sadex heer, oo kala horeeya, Qeybta hore waa heerka Danjirayaasha ama agasimayaasha oo ka doodayo qodobada shirka, qeybta labaad waa heerka wasiiradaa oo ansixinayo kana doodayaan wixii la isku mari waayey heerka hoose, qeybta sadexaad waa heerka madaxweynayasha oo ay madaxweynayaasha qudbooyinkooda ka dhibanayaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee  Dawladda Federalka Soomaaliya waxaa ay leedahay sadex wasiir , Wasiir, Wasiir dawle iyo Wasiir ku-xigeen. Hadaba hadii uu jiro shir heer wasiir ah, oo uusan aadi karin wasiirka arrimaha dibadda, waxaa uu u fasaxaa inuu aado wasiir dawlaha ama wasiir ku xigeenka.

Hadaba waxaa 28ka bisha November 2017, isku soo aadey laba arimood kuwaa oo ah, maalinta caleema saarka madaxweynaha Kenya Uhuru iyo  shirka wasiiradda, 5aad ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka dhacayo dalka Abidjaan. Shirkaa oo gogolxaar u ah siyaasada dal walba ay ka leedahay shirka guud iyo in la suurta geliyo shirarka docda ah oo ay ahayd madaxweynaha inuu la yeesho Madaxda dalalka Africa iyo yurub. Qaasatan madaxweynaha Faransiiska, Madaxweynaha dalka Jarmalka, iyo wasiirka Arrimaha dibaada ee ingiriiska.

Nasiib daro wasiir Yuusuf garaad wuxuu doortay in uu Nairobi aado oo uu ku weheliyo Madaxweynaha soomaaliya caleemo saarka  madaxweynaha Kenya, caado ma ahan in madaxweyne iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ay isku raacaan caleemo saar. Lakiin wasiir Yuusuf ayaa wasiirada uu diday in ay si aadan shirka Abidjaan isla markaana ay keentay wasiirka inuu ka baaqdo shirkii heer Wasiir ee ugu muhiimsanaa sanadkaan ee ka dhexeeyey dalalka qaarada Yurub iyo dalalka qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa la dib waxaa uu Madaxweynaha ku weheliyey shirka Abidjaan ka dhacayo ee Afrika iyo Yurub,Wasiirka waxaa uu raacay madaxweynaha oo ka daahay shirka Abidjaan,  isla markaana ay dhacdey in wasiirka uu san sameynin qabanqaabo wanaagsan, ee shirka. Waxaa kale oo goobta ku sugnaa wasiirada arrimaha Dibadda ee dalalka Africa oo ay ahayd wasiirku inuu heer wasiir la siiyeesho shirar doceed.

Wasiirka wuxuu diiday wasiirada kale ee Wasaaradda kala shaqeeya in ay shirarka sii aadaan hadii aysan u suura geli Karin asaga in uu aado, halkaa oo ka muuqato masuuliyad xumo iyo tixgelin la’aan danta qaranka.

Wasiir Yuusuf oo intaa oo ceeb iyo waji xumo u geystay siyaasada soomaaliya ayaa waxaa ay la noqotay in uu qoraal dheer ka sameeyo arin aan qiimo badan lahayn ee ku aadan in dadka qaar ay wax ka sheegeen rooga gaduudka ee loo fidiyey madaxweynaha Soomaaliya oo kolkii uu ka qeybgalayey caleemo saarka, ay habmamaamuska keenya u soo weeciyeen xaga fadhigiisa oo ah sida nidaamka waafaqsan. waxaa hadaba cad in wasiir Yuusuf uu aad uga warqabin danta qaranka iyo masuuliyada saaran. Lakiin u si aad ah u tixgeliyo qoraalada u soo dhigo bogiisa internetka ama Blogiisa.

Waxaa kale oo mudan in aan ifino in wasiirka uu aad ugu shaqeeyo bloggiisa lakiin uu daayacay shaqadiisa wasiirnimo. Shaqada wasiirnimo u dayacay maxay tahay?

Tusale ahaan, shirka Abidjan

  • Waxay ahayd in wasiirka uu faro madaxda iyo Agasimayasha wasaaradda in ay la xiriiraan dhamaan danjirada soomaaliya ee joogo yurub iyo Africa, in ay warbixin ka keenan talooyinkooda iyo xogta ay dalalka ay joogaan ay ka hayaan arrimaha shirka ku aadan.
  • Waxay kale oo ahayd in madaxda waaxda Africa iyo waaxda yurub ee wasaaradda arrimaha dibada ay ayaguna loo fasaxo in ay la xiriiraan dhamaan safaaradaha soomaaliya jooga ee ka yimid qaaradaha Yurub iyo Africa.
  • Dawlada soomaaliya si ay u hesho xogta runta ah ee shirka, iyo aragtida dawladaha Africa iyo kuwa Yurub. In uu wasiirka u xilsaaro agasime ama danjire ama gudi abaabulo arrimaha la xiriir xog aruurinta shirka.
  • Wasiirka waxay ahayd in xogtaa marka u helo uu asaga ama wasiirada kale ay la kulmaan danjirada EU iyo kuwa AU ka socda ee jooga dalka soomaaliya ama fadhigooda yahay Nairobi, ayagana laga wareysto waxaa ay ka filan karaan shirka.
  • Xogta ayada oo ay u aruursantahay wasiirku waxay ahayd in asaga ama labada wasiir oo kale ee ka tirsan wasaaradda , ay la yimadaan qorshaha soomaaliya ay ka leedahay shirka.
  • Wasiirka inuu qorshaha iyo xogta asaga oo wato uu wargeliyo RW iyo RW ku-xigeenka, isla markaana, uu la socodsiiyo in qorshahaan loo gudbiyo madaxweynaha oo hogaaminaayo wafdiga shirka, ama madaxda wasaaradda arrimaha dibadda qabanqaabinayo shirka ay shirar la yeeshaan madaxda xafiiska Madaxweynaha iyo xafiiska RW si lo helo qorsha la’isku raacsanyahay.

Hadaba howsha iyo wax u dhow ma dhicin, lakiin wasiirka waxaa u  qoraal diiran ku qoray bogisa blogga asaga oo qoray habka ay u socoto howsha shirka kuna amaanay shaqada ay wadaan labada safiir ee shirka kaga horeyay, nasiib daro qoraalka wasiirku wuxuu qoray maalinta 28ka bisha November asaga oo Nairobi ku sugan, oo ah maalinta uu ka baaqday shir muhiim oo ka dhacayey abidjaan, isla markaana ay dhacdey in abaabul xumo daradeed uu madaxeynahana ka dib dhaco kulamdii uu la kulmi laha madaxweynaha France , Germany iyo Wasiirka arrimaha dibaada ingiriiska, iyo qudbadii uu ku lahaa abidjaan.

Khaladaadka waxaa ka daran in wasiirka had iyo goor uu boogisa howsheeda ka soo dhalaalo asaga oo qancinyaayo dadka ku dabagala qoraaladiisa, lakiin uu wasiirku ka gaabiyo isla markaana uu cakiro  howsha qaranka., halka uusan tixgelin shaqada iyo siyaasada ka burburaysa soomaaliya iyo wajigabaxa diblomasiyadeed aynu ku jirno.

Waxaa cad in shaqada runta ah ee wasiirka laga rabey waxaa si dadban u wado Raisul wasaaraha oo had walba maslaxad u keenayo caqabada ka curtay shaqa xumada Wasiir Yuusuf Garaad.

FG: Qormadan waa qeybtii koobaad, waxaana jiri doona qeybo kale oo xiga.

Wariye madax-banaan
Soomane Cabdi Cige
Nairobi, Kenya
E-mail: soomanecige@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid