8 arrin oo aadan ogeyn oo masjidka Al-Aqsa ka dhigay mid ku weyn muslimiinta

Maxey muslimiinta uga wal walsan yihiin arrinta Al-Aqsa?, Maxey tahay muhiimada ay leedahay magaalada Barakeysan ee Qudus?, Maxey u noqotay Qudus magaalo Barakeysan ee muslimiinta?, Maxey tahay muhiimada uu u leeyahay Muslimiinta masjidka Al Aqsa ee Qudus ku yaalo ?

Su aalahaas aan kor kuso xusay waxaa ka jawabaayo Dr. Shiekh Zaki Naik Allaha xafido  maqaal uu ku qoray luqada Englishka , waxaana luqada soomaliga u badelay anigoo ah Maxamed Yusuf Daamey, hadaba Dr Zaki Naik waxa uu kuso koobay muhiimada uu leeyahay Masjidka Al Aqsa ee ku Yaalo magaalada Qudus  ilaa 8 sideed Qodob oo mug weyn leh waxeyna kala yihiin:-

1: Qudus Waa magaalada sedexaad ee ugu barakeysan dhulka marka laga soo tago magaalooyinka Makkah iyo Madinah sida Quraanka uu cadeeyay iyo sunada Rasuulka Scw.

2: Masjid Al Aqsa waa Masjidka  labaad  ee dhulka laga aas aaso , waxaana dhidibada loo taagay 40 sano kadib  markii  Kacbada laga dhisay Makkah .

Waxaa cadeynaayo arintaas Xadiis uu wariyay Muslim wuxuu leeyahay ( ( Rasuulka Scw ayaan wey diiyay masjidkee ugu horeeyay ee dhulka laga dhisay ? wuxuu ku jawabay Masjidka Barakeysan ee Makkah ; hadane waxan weydiiyay masjidkee ku xiga ? wuxuu dhahay Masjidka Al Aqsa. Kadib su aal dheraad ayaan weydiiyay meeqo sano ayaa u dhaxeysay labada Masjid? Rasuulka wuxuu ku jawaabay ‘Afartan sano ;)) Muslim ayaa wariyay Xadiiska .

3:Al Aqsa wuxuu ahaa Qibladii ugu horeysay ee Musliimta ay yeeshaan . Musliimta Alle ayaa ku amray iney u jeediyaan wajigooda xiliga ay salaada dukanayaan  masjidkaan ku yaalo Qudus  ka hor inta aan Kacbada Qiblo ahaan loo amrin iney u jeestaan musliimta .

Sida ku cad aayada Alle Subxaanahu watacalaa  uu Qur’anka ku leeyahay (( waxaan aragna gad gadoonka wajigaada oo loola jeedo {Muhammad Scw} ee dhanka samada aad u jeedineyso ,waxaan ku jeedinayay Qiblo aad raali ka tahay . u jeedi wajigaada dhanka Masjidka Al Haram. Iyo meel walbo oo ay [dadka Alle rumeeyay]  wajigooda u jeediyaan  xiliga salaada. Dhab ahaantii dadka Ahlu kitaabka ah  [yahuud iyo Nasaaro] wey ogyihiin inuu yahay xaq yahay. Alla neh ma mooga waxey sameynayaan )) aayada 2:44)).

4:Rasuulka Muhammad Scw wuxuu kula taliyay Musliimta iney booqdaan masjidka Al Aqsa, wuxuuna u yaboohay salaadaha iney  ku duktan   sida uu tilmaamaayo xadiiska ay wariyeen Muslim &Buqaari .

(( Rasuulka scw wuxuu leeyahay sadex Masjid u gal safar : Masjidkeyga ku yaalo {Madina}, Masjidka Barakeysan ee {Makkah} iyo Masjidka Al Aqsa {Qudus}.)) waxaa soo saaray Muslim & Buqaari.

5: Salaada aad ku dukato masjidka Al Aqsa wax ka heleysaa naxariis balaaran iyo abaalmarin halkii salaad u dhigmata 5000 oo salaadood  aad ku dukato masaajida   kale .

Waxaa daliil u ah xadiiska uu wariyay Anas Ibnu Maalik Allah ka raalinoqdo wuxuu rasuulka ka wariyay (( Rasuulka scw wuxuu leeyahay qofka halkii salaad uu ku dukto gurigiisa , iyo tan  uu ku dukto masjidka ,waxey is dheeryihiin 27 darajo. sidoo kale salaada uu ku dukto jimcaha masjidka wuxuu helaa 500 oo darjo  ; sidoo kale salaada aad  ku dukto Masjidka Al Aqsa waxey la mid tahay darajooyinkooda 5000 oo salaadood;  sidoo kale salaada qofka uu ku dukto masjidka Nabiga Muhammed Scw ee Madiina waxey la mid tahay darajooyinkooda 50,000 oo salaadood .iyo salaada qofka uu ku dukto masjidka [kacbah] ee Barakeysan ee Haramka waxey la mid tahay darajooyinkooda 100,000 oo salaadood oo aad ku dukato masaajidyada kale .” waxa wariyay tirmidhi, Ibn Majah)).

6: Masjid Al Aqsa meesha uu ku yaalo magaalada Qudus waa meeshii Rasuulkeena Muhammed Scw looga gudbiyay habeenkii dheelminta [Israa wal micraaj]. Musliimta waxey rumeysanyihiin in Nabi Muhammed Scw  laga soo waday habeenkii dheelminta   magaalada Makkah oo uu u sii gudbay masjidka Al Aqsa inta lagu guda jiray habeenkii dheelminta halkaas uu Rasuulka uga sii gudbay Samada .

Waxaana cadeynaayo aayada suuratu Isra {{ waxaa xumaan ka nasahan Alle , Allihii dheelmiyay adoonkiisa habeenkii dheelminta kana soo dheelmiyay Masjid Al Haram ilaa Masjid Al Aqsa , masjidkaas oo barakeysan heraarihiisa ,si aan u tusno aayadaheena , Alle waa Maqle , wax walbana arko )) Surat Isra 17:1}}.

7:Masjidka Al Aqsa meesha uu ku yaalo ee magaalada Qudus waa meesha uu Rasuulka uu ku hogaamiyay Nabiyadii ka horeeyay uuna ku tujiyay salaada , kadibna uu kaga sii gudbay oo uu ka koray  samada si uu Alle amarkiisa ugu soo qaado umadiisa , amarkaas oo uu ahaa in lagu soo waajibiyay{5 } shanta  salaadood ee maalin walbo an dukano .

8:Musliimta waxey Rumeysanyihiin dhulka barakeysan ee Qudus uuna ku yaalo Masjidul Al Aqsa,  waa meesha ugu dambeysay ee ay ku nasteen Nabiyadii  hore sida Nabi Ibraahim , Yacquub and Nabi Isxaaq iyo Nabiyadii Rafiiqa la ahaa Nabigeena Muhammed Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaado.

Tix raac Guji linkiga hoose waxaad ka heleysaa Maqaalka uu qoray Dr Sheikh  Zaki Naik waxaana maqaalkaas kor ku xusan soomali u badelay aniga oo ah Maxamed Yusuf  Daamey Mahadsanidiin walaalayaal Alle waxaan ka baryaa in Magaaladaas gacanta musliimta kuso celiyo insha Allah. http://www.learnislamofficial.info/2017/12/why-are-muslims-so-worried-about-al-aqsa.html

W/T: Maxamed Yusuf Daamey