CEEB: Kiiska Trump ee Qudus oo ku biya shubtay dhaxal-sugaha Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxeysa eedeymo ay dowladaha islaamka u jeedinayaan Dhaxal-sugaha kowaad ee Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo isagu Israel garab kusiiyay hanashada Caasimada cusub ee Qudus.

Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa kamid ah kuwa Maxamed bin Salmaan ku eedeeyay inuu kaalin ka qaatay wadadii dowlada Mareykanka ay Israel ku siisay magaalada Qudus ee buuqa iminka dhalisay.

Maxamed bin Salmaan, ayaa la xaqiijiyay in Bishii September 2017 uu Madaxweynaha Mareykanka Trump u saxiixay Heshiis ah inuu ka qeybqaadan doono ololaha magaalada Qudus loogu gacan galinaayo Israel.

Dukumiintiyo ay heleen dowladaha kor ku xusan ayaa muujinaaya in bin Salmaan uu dowladaha xulafada Sacuudiga ka dhaadhicin doono sida lagu taageeri lahaa Go’aanka uu Trump ku hibeynaayo Qudus.

Dukumiintiyada la helay ayaa cadeynaaya in Imaaraadka Carabta qudheeda ay kaalin ka qaadan doonto sida magaalada Qudus loogu rari lahaa caasimada Israel, wallow Imaaraadka uu dalbaday inaan loo adeegsan Iclaamka.

Qadar iyo Turkiga oo kaashanaaya dowlado ay kamid tahay Sudan, ayaa ololo ugu jira sida Safaaradaha Israel iyo Mareykanka looga rari lahaa dalalkooda, maadaama ay ka gudbeen xeerka.

Sidoo kale, Boqorka Sacuudiga ee weli ku fadhiya kursiga ayaa wiilkiisa Maxamed bin Salmaan, uga digay inuu ku fududaado kiiska Qudus ee uu ku taageerayo dowladaha Mareykanka iyo Israel, waxa uuna sababta ku sheegay in wakhtiyada soo socda ay ku imaan doonto Makka iyo Madiina.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com