Diyaarad siday Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo hawada ku ciladowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay inay cilad ku imaaday diyaarad rakaab oo ay la socdeen Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Diyaaradan oo siday Soomaali dhan 92 ruux, ayaa si kedis ah uga  degtay dalka Senegal, sababo la xiriira cilad keentay qalqal waxa ayna dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Dadkan Soomaalida ah ayaa intooda badan laga soo kala qabtay gobolada dalka Mareykanka, kadib markii lagu eedeeyay inaysan heysan sharciga dal ku jooga.

Sarkaal u hadlay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday in dhammaan dadkii saarnaa diyaarada dib loogu celshay dalka Mareykanka inta ay ka helayaan diyaarad wanaagsan oo kasoo dajisa magaalada Muqdisho.

Sarkaalka waxa uu tilmaamay in diyaarada ay cilada ku timid xili ay ku jirtay hawada, taana ay ugu wacneyd in la dajiyo.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili Madaxweynaha Mareykanka uu adkeeyay sharciyada lagu galo iyo kan lagu joogo dalka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com