Sawirro: Dekadda Hobyo oo shaqa bilaabeysa iyo Galmudug oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo hoolgaliyo Dekadda Hobyo, kadib markii qalabka loo isticmaalaayay Maraakiibta iyo howlaha kale ay bilaawdeen in la dhigo Dekadda.

Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa sheegay in dadka Galmudug ay dhawaan ka hanta dhoonaan Dekadda isla markaana Ganacsatadu ay kala soo dagi doonaan badeecooyinkooda.

Xaaf waxa uu sheegay in iminka ay soo iibiyeen qaar kamid ah qalabka lagu howlgalin lahaa Dekadda waxa uuna tilmaamay inay harsan yihiin keliya howlo fudud oo dhawaan lasoo gabagabeyn doono.

Waxa uu tilmaamay in iminka ay iibiyeen shactar casri ah kaas oo maalmahan nagu soo aadan gaari doono xeebta magaalada Hobyo.

Shactarkan ayaa dhawaan kusoo xirtay Dekadda weyn ee Xamar waxaana gudaha asbuucan loo gudbin doonaa magaalada Hobyo.

Sidoo kale, Ganacsatada maamulka ayuu u sheegay inay u furan tahay Dekadda isla markaana laga sugaayo inay ka gaabiyaan Dekadaha kale si ay u shaqo galiyaan Dekadooda.

Muuqaalka guud ee Dekadda ayaa ah mid ay ka muuqdan duruufo kala duwan waxaana jira qeybo dhowr ah oo uu maamulka ka gaari wayay dayactirkiisa.