Dagaal ka dhex qarxay ciidamada dowladda Somalia ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalintii labaad ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray  Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunk ee degmad Hodan Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in hab beeleed ay u abaabulan yihiin.

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Miteriga ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul ku yaalla Nawaagiga Tarabuunka,iyada oo shalay gelinkii dambe uu halkaasi dagaal ku dhex maray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waaxa uu Dalsan u sheegay in xaaladu ay iminka tahay mid degan balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Waqti kooban waxaana lagu murmay dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee qaranka oo ka tirsan degmada Hodan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidan qaab beeleed u abaabulan ay halkaasi saldhig ka dhigtayn Islamarkaana ay doonayaan in laga dhigo meel lagu iibiyo qaad balse ay diidayn Ciidan ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxayna arintaasi ay sababtay in uu dagaal ka dhaco xaafadaasi.

Lama ogo ilaa hadda inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro uu geestay dagaalkaasi.

Labada Ciidan ee dagaalamay ayaa hada ku kala sugan goobihii ay joogeyn waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ayaa hakad la giliyay, waxaana laga Cabsi qabaa in halkaasi ay Howlgal mar kale ka sameeyaan Ciidanka Dowladda si loo soo qab qabto raga Ciidamo beeleedka ah ee halkaasi ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com