Maxaad ka ogtahay ganacsadaha Yahuudiga ah ee Trump ku qasbay aqoonsiga Quddus?

Washington (Caasimadda Online) – Sheldon G. Adelson  oo ah Ganacsade Yuhuud ah islamarkaana ah Bilyaneer ayaa $20 Milyan oo doollar ku bixiyay ololaha doorashadii Donald Trump ee 2016kii,waxaana uu uga beddeshay ballan qaad ahaa in uu Caasimadda Israel u aqoonsanayo Quddus haddii la doorto.

Markii uu Donald Trump ku soo baxay doorashada,Ganacsadahan iyo Bulshada Yuhuudda ah ee ku nool Mareykanka ayaa billaabay in Trump ay ku cadaadiyaan in uu fuliyo.

Waxaase dib u dhigaya Wiilka uu Soddogga u yahay ee  Jared Kushner oo laftiisa Yuhuudi ah sidoo kalena ah lataliyaha Trump ee Bariga dhexe ayaa Donald Trump kula taliyay in marka hore uu dhiso xiriirka Waddamada Carabta iyo Mareykanka oo doorashadiisii ka diday.

Markii uu Trump booqday Bariga dhexe ee uu la kulmay Madaxda Carabta ayuu intooda badan la galay heshiisyo waaweyn oo Balaayiin doollar ku kacaya.

Waxaana Trump uu 6dii Bishan ku dhiiraday in Quddus tahay Caasimadda Israel,waxaana uu fuliyay ballankii uu la galay Ganacsatada taakuleeyay ololihiisii doorashada ee Sheldon G. Adelson  .

Ninkan Ganacsadaha ah waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Ra’isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u ololeeyaha danaha Israel.

Newyork Times  oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid siyaasadeed ee uuusan ahayn mid diblomaasiyadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com