Xog kasoo baxeysa qorshaha ay Uganda ciidamadeeda ugala baxeyso Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Milatariga Uganda ayaa xaqiijiyay in la bilaabay qorshaha dib u saarida ciidamada ka jooga Somalia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia.

Sarkaal u hadlay Taliska ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaaden ay noqotay in Somalia ay kala soo baxaan 281 askari oo kamid ahaa howlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay Sarkaalkan in ciidamada laga soo saara Somalia ay dib uga howlgali doonaan dalkooda, gaar ahaan xuduudaha maadaama ay ka ad adagyihiin kuwa hadda ka howlgala xuduudaha.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha rasmiga ah uu yahay in ciidamada la saarayo la gaarsiiyo 1,000 askari oo dhammaadka sanadkan bixintooda la fulin doono.

Dowladaha Kenya, Burundi, DJabuuti iyo Ethiopia ayaa sidoo kale la filayaa inay hoos u dhigaan tirrada ciidamadooda illaa December 31keeda.

Guud ahaan ciidamada AMISOM ayaa waxaa wakhti xaadirkan Somalia ka jooga in ka badan 20,000 oo askari oo u adeega howlgalka AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, dowladii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan AMISOM ka howlgaliso Somalia ayaa noqoneysa Ugandha sanadii 2007.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com