‘’Kheyre waxa uu ka been sheegay dhaqaalihii ay ku wareejisay dowladii hore cadeyn ayaan u heynaa’’ waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online)-Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu inkiray lacag uu sheegay inay uga tageen DFS.

Nuur Faarax Jimcaale, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu tilmaamay in goortii lagu wareejinaayay xilka aysan lacag ku jirin Qasnada DFS, balse hadda uu xaalku yahay mid caadi ah, isla markaana ay dowladu kasoo kabaneyso faqrigii ay kala hartay dowladii hore.

Nuur Faarax Jimcaale, waxa uu sheegay inaanu waxba ka jirin haddalka Ra’isul wasaare Kheyre, isla markaana goortii ay imaaday dowlada cusub ee Farmaajo ay ku wareejiyeen Lacag ka badan 5 milyan oo dollar.

Waxa uu Hanti-dhowrihii hore tilmaamay in Kheyre uu ka weecday  xaqiiqda jirta waxa uuna cod dheer ku sheegay in xiliga magacaabidiisa ay ku wareejiyeen in ka badan 5 Milyan oo dollar, waxa uu intaas ku daray in uu hayo cadeymihii uu kula wareejiyay lacagtaasi markii uu xilka la wareegayay Kheyre.

Isagoo shir Jaraa’id ku qabanaaya magaalada Muqdisho ayaa waxa uuyiri “Ra’iisul Wasaaraha wuu qaldamay ma dhihi karo wuu ilduufay, lacagtaas shan Milyan iyo xoogaa ayay aheyd, Qasnada dhexe ayay ku jirtay, maalinkii Madaxweynaha la doortay maalintii ku xigtay ayaa warbixin ka siiyay, markii uu xilka la wareegayna warbixin ayaa ka siiyay waana ku wareejiyay”

‘’Cida aan la socon xaqiiqda ayuu u sheegayaa Ra’isul wasaaraha waxaana qireynaa inaan heyno cadeeymo cad oo muujinaaya in lacagtaas la wareejiyay’’

Sidoo kale, Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in Shirkadda Turkiga ee Gacanta ku heysa Dekedda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo.

Haddalka Nuur Faarax, ayaa kusoo beegmaaya xili Kheyre uu hadalkaasi ka sheegay Xafladda loogu magac daray Soomaaliyada Cusub oo ka dhaceysay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com