Hadalladii ugu yaabka badnaa ee lagu sifeeyey carabta kadib go’aankii Trump

Qudus (Caasimadda Online) – Kadib Markii uu madaxeynaha dalka Mareykanka Donald Trump iska indha tiray baaqyadii uga imaanayey Wadamada Adduunka ee ku aadanaa inuu ka laabto go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil, qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa diiradda saarey sidii Carabta ay ugu biireen guuldaradii soo wajahday Qudus.

Xaaladda magaalada quduuska ah waa arrin aad u xasaasi u ah oo keeni karto inay iska hor imaadaan mar kale Falastiiniyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Inkasta oo Israel ay sheeganayso inay leedahay magaalada oo dhan  ka dib markii ay qabsadeen dagaalkii 1967-kii oo ay la galeen Suuriya, Masar iyo Jordan – Falastiin waxay muddo dheer u aragtay magaalada Qudus inay tahay Caasimadad Falastiin ee Mustaqbalka dhow.

” Magaalada Qudus waxaa la lumiyey maalintii uu Sadaat booqday iyo Maalintii aad u dabaaldagteen heshiiskii ka dhacay Oslo “

 Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Mourid Barghouti oo ah Gabyaa iyo qoraa u dhashay dalka Falastiin, isagoo guulradarada Qudud dusha u saaray Anwar Sadat iyo Heshiiskii Oslo ka dhacay.

Markii Sadat uu madaxweynenimada Masar qabtay 1970-kii, wuxuu heshiis nabadeed la galay Israel isagoo raacay qaraarkii Qaramada Midoobay ee 242, kaas oo, kaasoo in badan qeyb ka noqday guusha ay gaareen Militari Yahuuda.

Heshiiskii Oslo wuxuu dhacay Sanadkii 1993, waxaana xilligaas lagu abuuray urur ay ku mideysan yihiin Israa’iil iyo Yahuudi oo loogu magac daray Palestine Liberation Organization (PLO) kaasoo muhiimadiisu ay aheyd inay labada dal mid midba kale uu u aqoonsado inuu yahay dal gooni ah.

Sidoo kalana waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in lasoo afjaro dagaalka sanadaha badan qaatay ee u dhaxeeyo Yahuuda iyo Falastiin dagaalkaas oo intiisa badan ku saabsanaa muranka ku aadan dhulalka ay xoogga ku qabsatay Yahuuda.

” Alla maxaa ku dhacay Carabta iyo Musliimiinta, dalka Bolivia ayaa dalbaday in la qabto kulan deg deg ah oo ay yeelato Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo looga hadlayo aqoonsiga Trump ee Qudus inay tahay Caasimadda Israa’iil, aaway hoggamiyaasha Carabta ee ka mid ah Golaha Amniga  maxay u dalban waayeen kulankaas”

Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Abdullah K. AlShayji oo kamid ah Macalimiinta wax ka dhigo jaamacadda Kuwait.

Dalka Bolivia ayaa sheegay inuu dalabanayo kulan deg deg ah oo ay isugu imaadaan dowladaha xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kadib go’aankii kasoo baxay Arbacadii Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump, Sacha Sergio Llorentty Soliz oo ah Ambasador ka tirsan UN-ka ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid halis ah kaasoo kasoo horjeedo sharciyada caalamiga ah ee adduunyada u dajisan, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas dib u dhigi doono dhammaan dadaaladii lagu doonayey in Bariga dhexe looga dhigo meel nabad ah.

” Trump wuxuu dharbaaxo ku dhuftay Carabta iyo Muslmiinta, wuxuuna uga baaqayaa inay si dagan u aqbalaan, wuxuu ku xadgudbay heshiiskii 242, wuxuuna ku adkeystey in Maraykanku uu ku jiro geeddi-socodka nabadda. Wuxuu rajeynayaa in dhexdhexaadiyayaashu ay qabtaan qaybtooda, markaa xagjirayaashu waxay goyn karaan doodda dhexdhexaadka ah, Wuxuu sheegay in Israel ay tahay Demoqriga ugu Wanaagsan, maxaa yeelay waxay ku dhaqmaysaa Midab Takoor ka dhan ah Muslmiinta sidoo kalana waxay ku xadgudbeysaa Xuquuqda Aadanaha. “

Ayuu Bartiisa Twitterka kusoo qoray Abdullah Hamidaddin oo ah nin ku taqasusay cilmi nafsiga Bulshada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansaxiyay  22 November 1967 Heshiiskii loo yaqaanay 242 kaasoo dhigayey in Ciidamada Yahuuda ee xoogga ku qabsaday dhulalka Falastiin intii uu socday dagaalka laga saaro goobahaas, sidoo kalana wuxuu heshiiskaas ku baaqayey in laga shaqeeyo nabad iyo Xasilooni ka dhalato Bariga dhexe si dowlad kasta ay dhulkeeda nabad ugu noolaato

Dhammaan dhinacyadii ay khuseysay heshiiskaas way aqbalaan, kadib sanado badan weli waxaa la diidan yahay inay Falastiin noqoto wadan xor ah oo adduunka ka jiro, waxaana kaliya ilaa hadda la aqoonsan yahay inay Falastiiniyiinta yihiin Qaxooti aan laheyn Xuquuq Qaran.

” Trump macquul uma ahan inuu qaato go’aan noocaan oo kale ah isagoo aan daraasad weyn sameyn, waxaana hubaal ah inaysan carabta ka hor imaan karin go’aankaan kahor imaansho xaqiiq ah, haddii ay ka hor imaadaan awood uma lahan inay wax sameeyaan

Ayuu bartiisa Twitterka kusoo qoray Mohamd Nashwan oo ah nin dagan Magaalada Gaza ee dalka Falastiin.

” Inkasta oo adduunka oo dhan uu si xoog leh u diidey go’aanka Trump, haddana waxaan u jeednaa kuwa shirqool wado oo kasoo muuqanayo Cambaareynta  # Sacuudi Carabiya # Masar # UAE # Bahrain”

Ayuu Twitterka kusoo qoray oo Userkiisa uu yahay @BoMuhannd.