Raafkii ugu weynaa ee Soomaalida Islii oo maanta billaabanaya + Video

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dalka kenya ayaa waxaa ku cad in raafkii ugu weynaa ee Soomaalida uu billaaban doono maanta oo Isniin ah.

Waxaa ku xusan warqadaas kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha in wajiga hore ee hawshaan lagu qab qaban doono 18,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool magaalooyinka waa wayn ee Kenya, kadibna la geyn doono xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, ayadoo loo sii gudbin doono wadamada ay u dhasheen.

Arrintaan, ayaa waxay kusoo aadaysaa ayadoo la kala diray baarlamaankii wadanka Kenya, islamarkaana ay soo dhaw dahay doorashadii guud ee wadanka, taasi oo dhici doonta March-4-2013.

Tallaabadan ayaa waxay walaac weyn ku abuurtay dhamaan Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool wadanka Kenya, gaar ahaan Soomaalida Islii ku nool cabsi weyna waa ay ka muujiyeen.

Waxaa ka hadlay arrinkaan sida aad ka arkaysaan video ga hoose Farah Macalin oo ka mid ah baarlamankii wakhtigoodi dhamaadey aad ayuuna u dhaleeceeyey.

Wuxuu sheegay in arrintaani ay ka baxsan tahay bani adam tinimada iyo walibe heshiiski UN CONVENTION.

Isku soo wada duuboo Soomaalida kenya dhagtaa u taagan, waxaana maskaxdooda ku wada taagan “Maxaad dhici doona maanta?”

Daawo Video-ga warbixinta Tv-ga Nation