Qurbo joogta dib u soo noqonaya oo khilaaf dhuleed ka dhaliyay Muqdisho

Muqdisho waxaa ka dhacaya xaalado dhul isku qabsasho ah oo ka taagan lahaanshaha dhulka maadaama ay soo noqdeen kumanaan Soomaali ah oo qurbo joog ah.

Xaakinka Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur wuxuu sheegay in maxkamadiisu ay dhowaan xad lama filaan ah u diiwaan galinaysay dacwado dhulal la isku haysto. Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay isku dayayaan inay kiisaska sida ugu dhaqsaha badan ku xaliyaan sababta oo ah khilaafyadu waxay mararka qaar dhaliyaan dagaal.

“Shaqadayada waxaa dhex gala khilaafaad badan oo u dhexeeya dhaxal sugayaal diiday inay heshiiyaan ama ay hor yimaadaan [Golaha Deegaanka Muqdisho] si loo xaliyo dacwadaha milkiilanimada sababta oo ah waxay qoysaskooda wax uga dhaxleen heshiis dhaqameedyo,” ayuu yiri Nuur.

Wuxuu sheegay in dacwadaha lahaanshaha dhulalka ay maalin walba sii kordhayaan, sababta oo ah labaatankii sano ee la soo dhafaay waxaa loola macaamili jiray hab aan sharciga waafaqsanayn.

Nuur wuxuu sidoo kale sheegay in dad ku sugan suuqa Muqdisho ee Cabdala Shideeye ay ka faaiidayaan dukumentiyo been ah oo lahaansho dhuleed ah, isagoo raaciyay in bilaysku ay qaban doonaan shakhsiyaadka dhaqankaas ku lugta leh ayna maxkamad hor keeni doonaan.

Shakhsiyaad saameeyn leh ayaa qiimo aad u yar ku iibsaday ama qabsaday kumanaan mitir oo wareeg ah oo dhul ah, taas oo qoysaska iyo qabiilada ka dhex dhalisay khilaafaad aad u dhib badan. “Hadda waxaan isku dayaynaa in aan dib u soo celino guryaha iyo beeraha sida sharci darrada ah loo iibiyay ama loo qabsaday,” ayuu yidhi.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Nuur ayaa ka digay in si sharci daro ah looga dhiso dhismayaal iyo xarumaha dalxiiska meelaha u dhow xeebaha oo ay dhamaantood leedahay dawladda Soomaaliya.

“Qof waliba waa inuu niyada ku hayo in dhamaan dhulka u dhow xeebta laga soo bilaabo waqooyiga illaa koonfurta dalka ay leedahay dawladda federaalka ah waxaana indhaheena ku arkaynaa sida ay dadku isugu dayayaan in ay ka faaiidaystaan xaalka maamulka daciifka ah,” ayuu yidhi. “Waxay sidoo kale lacag aad u badan ka samaynayaan iibinta xarumaha [hore ee] ciidanka, xeryaha milatariga, madaarada milatariga, isbitaalada iyo safaaradaha. Waxaan rabnaa inaan sheegno inuu ficilkani sharci darro yahay oo ay fulinayaan shakhsiyaad aan waddani ahayn.”

Sidoo kale, duqa magaaladu wuxuu dadka Muqdisho dagan ku dhiiriyay in ay isaga baxaan guryaha khaaska loo leeyahay oo sharci darrada lagu dagan yahay iyo dhulka ay leeyihiin dadka tobonaan sano ka hor ka cararay dagaalkii sokeeye. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dadka barakacayaasha ah in ay ka baxaan wasaaradaha, hay’adaha, isbitaalada iyo meelaha kale ee caasimadda ku yaala oo ay dawladdu leedahay.

Nuur wuxuu sheegay in maamulkiisu uu fariin u dirayo madaxa ciidanka bilayska loona fasaxayo in ay xiraan xadgudbayaasha isku daya inay sheegtaan dhul ay leedahay Wasaaradda Hawlaha Guud oo isku daya inay u rogaan hanti gooni loo leeyahay ama mid la maal gashado.

Garyaqaanad Filsan Yuusuf Siyaad waxay sheegtay in sharci iyo nidaam la’aantu ay horseed u noqotay dhaqan ah in la qabsado oo la dago dhulalka guud iyo kuwa goonida loo leeyahay.

Waxay sheegtay in ciidanka ammaanka ay noqonayso in ay wajahaan shakhsiyaadka musuq-maasuqa wada iyo ragga saameeynta leh ee qabiilada matala ee sida sharci darrada ah u hantay una iibiyay dhulka.

“Waxay ila tahay xalka arrinku in uu dhib noqon doono haddii aysan bilaysku garab istaagin garsoorka,” ayay tidhi.

Sharci-dajiye Maxamed Maxamuud Xeyd wuxuu yidhi dhulka dawladda ma aha in loo rogo hudheelo lagu raaxaysto ama in loo isticmaalo nidaamyo kale oo ganacsi.

“Waxaan arrinka soo jeedin doonaa marka uu baarlamaanku fadhiyo si loo gaadho go’aan joojiya ficilkan sharci darrada ah,” Xeyd ayaa sidaas yiri. “Waa in aanaan naxariisanin marka laga hadlayo arrin sidan oo kale sharci darrada u ah oo albaabka u balaqaya khaa’imiinta.”

Isha: Sabahi Online