Ra’iisul wasaare Saacid oo hadal muhiim ah ka dhawaajiyay

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”,oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugnaa Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka dhawaajiyay hadal laga wada sugayay xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay inaysan jiri dooni in hanti ay leeyihiin shacab Soomaaliyeed si xoog loo heysto,isagoo sheegay in xukuumadiisa ay la imaan doonto isbedel dhab ah oo arimahaasi wax looga qaban doono.

Wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka shaqeysay soo celinta amaanka iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya,isagoo xusay inaysan jiri karin in Beer,Hanti iyo dhul shaqsi Soomaaliyed leeyahay in xoog lagu heyto.

Wuxuu arin la dhameynayo uu ku sheegay sidoo kale in la dhigto jidgooyo lagu dhibaateyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhac lagula kaco dadka safarka ah iyo guud ahaan dadka ku dhaqan gobolada kala duwan ee Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ku dadaalayso sidii isbedel ay ugu sameyn  dalka Soomaaliya,kaasi oo ka duwan isbedeladii xukuumadihii ka horeeyay.