Gudoomiye Maxkamad oo la toogtay

Kooxo hubaysan oo afka soo duubtay ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen gudoomiyihii degmada Qansar dheere ee gobolka Baay ,isaga oo ku sugnaa degmadaas.

Sida wararka ay sheegayaan kooxaha dilka geystay ayaa markii ay gudoomiyaha dileen ka dib la sheegay inay isaga baxsadeen goobta dilka ay ka geysteen,sida dadka deegaanka ay ku waramayaan.

Gudoomiyaha la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Macalin Cali ,iyadoo aan la ogeyn sababta ka dabeysay dilkiisa iyo cidda fulisay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada oo ay kaga hadlayaan dilka loo geystay Macalin Cali,gudoomiyihii maxkamada degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

Ciidamo ka tirsan maamulka degmada ayaa wada baaritaano ku aadan cidda ka dambeysa dilka iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo iminka lasoo qabtay.

Waxii kasoo kordhaa kala soco www.caasimada.net