Rafael Benintez oo shaqada Chelsea jooga looga dhigi doono.

Rafael Benintez ayaa laga yaabaa in shaqadiisa Chelsea laga dhigo mid joogta ah, sida uu qorayo warsidaha The Sun.

War argagax leh ayuu ku noqon doonaa taageerayaasha kooxda kuwaas oo macalinkaan ku kacsanaa tan iyo markii uu kooxda qabtay bishii lasoo dhaafay.

Laakiin Ilo ku sugan Garoonka Chelsea Stamford Bridge ayaa u xaqiijiyey The Sun on Sunday in laga yaabo in Rafa shaqadiisa joogto looga dhigo ka dib markii uu kooxda gaarsiiyey natiijooyin la yaab leh.

Milkiile Roman Abramovich ayaa la dhacsan lixdii guul oo ay gaartay Blues todobadeedii kulan ee u dambeusay, markaasoo ay dhaliyeen 26 gool ayna gaareen afar dhamaadka Capital One Cup.

52-jirkaan ayaa xittaa caawimay inuu dib qaab ciyaareedkiisii u helo weeraryahan Fernando Torres kaasoo Todobo gool dhaliyey Todobadii kulan ee u dambeysay.

Dhacdooyinka banaanka ka ah kooxda SW6 ayaa sidoo kale xoojinaya booska Benitez, oo markii hore ku sinaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha ugu sareeya liiska ay dooneysa Chelsea Pep Guardiola ayaa lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabto Barcelona ka dib markii uu hal sano nasiino ka qaatay kubada cagta.

Tababaraha haatan ee Catalans Tito Vilanova ayaa la dhibaatoonaya cudurka Kansarka waxaana jira cabsi laga qabo mustaqbalkiisa dheer ee kooxda ka dhisan dalka Spain.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale nasiib darro ay ku tahay inuu ku laabto Chelsea wuxuuna qarka u saaran yahay inuu aado Manchester United, Manchester City ama Paris St-Germain marka uu Real Madrid ka tago xagaaga.