Arsenal oo ku dhow inay hesho xidiga Atletico Madrid Arda Turan

Xidiga kooxda Atletico Madrid Arda Turan ayaa lala xiriirinayaa inuu Janaayo usoo dhaqaaqo kooxda Arsenal iyadoo lasoo werinaayo inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Waqooyinga London, sida laga soo xigtay Warbaahinta Spain.

Xidiga qadka dhexe ee heerka caalami dalka Turkiga ayaa sheegay inuu ka tegayo Atletico ka dib markii uu wakiilkiisa Ahmet Bulut uu cadeeyey inuu 25-jirkaani doonayo inuu ka ciyaaro horyaal kale oo cusub.

“Arda laba xilli ciyaareed ayuu usoo dheelay Atletico Madrid hada. Waxaan doonayaa inaan arko isagoo ka ciyaaraya horyaal kale Arda isna sidaas ayuu doonayaa,” ayuu wakiilkiisu u sheegay Telefashin Turkish ah.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii ay midaasi ku dhici laheyd, Atletico way ogtahay waxa uu hamigeenu yahay anaga ayeyna nala shaqeyneysaa. Hadii aan wax fiican sameyno, Arda wuu ka tegi doonaa kooxda Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Heshiiska ay xidigaan kula soo wareegeyso Gunners ayaa la aaminsan yahay inay ku bixi doonto 19 milyan oo ginni.