Mourinho oo Maya iyo Haa midna oran waayey (Maxaa helay).

Tababaraha Real Madrid ayaa qiray inaysan haatan aheyn waqtigii haboonaa ee uu ka hadli lahaa mustaqbalkiisa kooxda heysata Horyaalka La Liga.

49-jirkaan ayaa wajahayey cadaadis sii kordhaya oo kaga imaanaya taageerayaasha Los Blancos, waxaana lasoo jeedinaayey inuu Carlo Ancelotti ka bedelki karo kooxda Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedka.

Khamiistii (Shalay) isagoo joogo Dubai ka hor inta uusan ka qeyb gelin kulan looga hadlaayey kubada cagta oo ay joogeen Madaxweynaha Uefa Michel Platini iyo xidigii Argentine u qaaday Koobka Aduunka Diego Maradona. Mou ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna yiri: “Hada ma ahan goorkii aan ka hadli lahaa mustaqbalkeyga.”

Madrid ayaa Axada tababaraka dib u bilaabi doonta, iyadoo dooneysa inay soo yareyso farqiga 16ka dhibcood ah ee u dhexeeya iyaga iyo hugaamiyeyaasha La Liga Barcelona.