Wasiiradii ku sugnaa Kismaayo oo la shiray dhinacyo badan

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa ay kulan kula qaateen qaybaha  kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo kuwa kale ayaa madasha shirka uu ka soconayay joogay waxaana looga hadalay kulankan maamul u samaynta Kismaayo iyo Jubooyinka.

Wariye ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Kulanka ay ka hadleen masuuliyiin ka tirsan Dowlada waxaana dadka shacabka ay ku booriyeen inay Dowlada garab ka siinayso shacabka in loo dhiso maamulkii ay raali ka yihiin.

Beelaha daga Kismaayo  ayaa laga codsaday inay keenaan Masuuliyiin iyaga u matala oo  Maamulka Dowlada ay u samaynayso Gobolada Jubooyinka.

Shirka ayaa hada soo xirmay waxaana wafdiga wali ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.