Benitez: Fursado badan waa in loo abuuraa Fernando Torres.

Tababaraha cusub ee ku meel gaarka ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaa rumeysan inay tahay in ciyaartoyda Chelsea ay fursado badan abuuraan si uu Fernando Torres goolal u dhaliyo uguna soo laabto sidii uu ahaan jiray.

Benitez ayaa ahaa tababarihii Fernando keenay Premier League markaasoo uu kala soo saxiixday Atletico Madrid 20 milyan oo ginni sanadii 2007. Wuxuuna El Nino dhaliyey 72 gool 116 kulan oo uu tababarahaan kaga hoos shaqeynayey Liverpool.

“Waad arki kareysay inuu aad isugu dayayey inuu si adag u shaqeeyo,” ayuu Benitez saxaafada u sheegay ka dib kulankii ay barbaraha gool la’aanta ah la dhaafi waayeen Manchester City axadii.

“Balse waxaan filayaa hadii ay ciyaartoydu caawiyaan Torres ayna abuuraan fursado badan, inuu goolal dhalin doono. Kama maleysan kartid weeraryahan inuu isagu shaqeysto, sidaas darteed waa inaan fursado abuurnaa weliba fursado fiican isaga u abuurnaa ciyaartoyda aan heysano ayaana sidaas laga rabaa.

“Sida cad, kuma faraxsani hal shuut oo goolka ku aaday, laakiin waxa maskaxdeyda ku jira ayaa ah inaan fursado abuurno oo aan goolka u dhowaano.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.