Nairobi (Caasimada Online) Saraakiil ka tirsan Waaxda Safarada iyo Jinsiyadaha ee Kenya ayaa Saakay Gacanta ku dhigay Sedex nin oo Turkish ah oo watay Lacag Kash ah oo aad u farabadan kuna sii Jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Raggaan ayaa wexey wateen aduun Lacageed oo dhan 350,000 oo Doolarka Mareykanka ah, wexeyna Aroornimadii hore ee saakay ay Diyaarad ka raacayeen Garoonka Diyaaradaha ee Juma Kenyatta International Air port ee Magaalada Nairobi.
Raggaan ayaa wexey sheegeen in ay la shaqeeyaan Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga, Balse waxa loo heysto ayaa wexey tahay Sababta ay Lacagtaan Faraha badan u wattaan.
Markii ay Qabteen Ciidamada Imagaration-ka ayaa wexey ku wareejiyeen Waaxda Canshuuraha iyo Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Kenya oo iminka Su’aalo weydiinaya.
Kenya ayaa wali baaritaan iyo jeejignaan dheeri ah Muujineysa wixii ka dambeeyay weerarkii 21-kii Bishii hore lagu qaaday daarta Ganacsi ee Westgate Mall.
Caasimada online
Xafiiska Nairobi

