Dhageyso: Saraakiisha Barre Hiiraale oo war kasoo saaray Diidmada Maamulka Jubba ee Shirka Muqdisho

Kismaayo (Caasimada online) Afhayeenka ciidamada Cornel: Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka jawaabay diidmaday Maamulka Jubba ee ka qeyb galka Shirka 21-ka Bishan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo kaas oo looga hadlayo aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Markii horeba uu xaaraan ahaa aqoonsiga maamulka Jubba ee dowlada Soomaaliya iyo Heshiiska Adib ababa, waxaana uu sheegay in iminka diidmada maamulka Jubba uu muujinayo inay kasoo horjeedaan midnimada iyo wada jirta shacabka Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in iminka ay dafirayaan waxyaabihii ay kusoo Heshiiyeen iyaga iyo waliba dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in qodobka ugu horeeya ee Heshiiska Jubba iyo dowlada Soomaaliya uu dhigayo in Ciidamada dowlada Soomaaliya la geeyo Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose

Afhayeenka Barre Aadan Cornel: State Man oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe, uu ka tilaabay qodobadii ay ku heshiiyeen isaga iyo dowlada Soomaaliya taasina ay tahay mid ay soo dhaweeeynayaan , isagoo sabab uga dhigay in caalamku iminka uu arkay cidda aayaha gobolka ka talineysa .

Wuxuu soo hadal qaaday go’aankii dhawaan ay maa mulka Jubba ugu diideen Abaanduulaha ciidamada xooga dalka in gudaha magaalada uu u gudbo, waxaana ay taasi ku midneeyeen inay qeyb k tahay dagaalka maamulka Jubba y u kala jiraan madaxda dowlada inay arintaasi muujineyso.

kaliya General C/risaaq Khaiif Cilmi ayuu sheegay inaan loo diidaneyn kismaayo hayeeshee wuxuu sheegay in ay diidan yihiin inay u hogaansamaan amarka dowlada Soomaaliya , waxaana uu sheegay in taasi badakeeda ay wax ku raadinayaan qorayga caradiisa sida uu sheegay .

Maamulka Jubba ayaa shegay in marnaba uusan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan Muqdisho lagu wado inuu ka furmo , inkastoo Dhanka Barre Aadn Shire oo  mucaradsan siyaasada Axmed Madoobe ay soo dhaweeyeen

Dhageyso: Codka Cornel:State MAN

State-Man-Waraysi

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com