S/Land : Turkiga waxaan u sheegnay in aan ka madax banaan nahay Somalia

Istanbul (Caasimada Online) Dalka Turkiga waxaa maalmahan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa ay kulamo la qaateen madaxda dalka Turkiga iyagoona ka hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay xiriirka Somaliland iyo Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Maxamed Yoonis Biixi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu la kulmay madaxweynaha Turkiga,raysal wasaaraha Turkiga iyo madaxda dalka Turkiga.

Wuxuu sheegay in madaxda Turkiga ay kala hadleen siddii loo baallaarin lahaa mashaariicda ay ka wadaan deegannada Somaliland iyo in gargaar la siiyo.

Mar la weydiiyay halka uu ka dambeeyay wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, wuxuu sheegay in dhawaan labada dhinac ay ugu kulmi doonaan dalka Turkiga.

“Wadahadallada waxa ay u badnaayeen in Turkiga ay wax ka ogaadaan kheyraadka iyo wadashaqeen dhexmara labada Somaliland” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Wuu sii hadlay “ Turkiga waxaan ka codsanay in ay naga taageeraan dhinaca waxbarashada iyo isbitaalada, waxaana u sheegnay in aan ku martigalin Somaliland” ayuu yiri wasiirka.

Turkiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay garwadeen ka ahaa wadahadallada u dhexeeya DF Somalia iyo maamulka Somaliland, waxaana wajiga seddaxaad ee wadahadallada lagu wadaa in uu dhaco 9-ka ama 10-ka bisha soo socota.

Ugu dambeen, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, oo ay hadda tahay dal madax bannaan.

“Walalaheen Soomaaliya waxaan rabnaa in ay fahmaan in aanu nahay labo qaran oo sidaas ku caano maala wax yaabaha ay doonayaan” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

Caasimada@live.com