Raggii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay DAYNIILE oo howlgal lagu soo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey waaxda Kurdamac oo ka tirsan degmadaasi, gaar ahaan agagaarka aargada Dayniile oo uu shalay ka dhacay qarax miino oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo ilaaladiisa.

Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey) oo ah Taliyaha Saldhiga, qeybta galbeed ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa mid ka dhan ah falalka amni darrada ah, burcadda, ciyaal weerada iyo maan-dooriyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay ciidamada ammaanka gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay degmada Deyniile, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dowladda iyo ilaaladiisa, kadib markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa la sheegay inii gobolka Banaadir u qaabilsanaa canshuurta xoolaha ee Controlka deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay socdeen habeenadii la soo dhaafay, ayna yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka degmadaasi.

Guddoomiye Rooble ayaa farrin u diray shacabka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka degmada iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan intaba.