Ra’iisal Wasaare Saacid oo digniin culus jeediyay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin adag u diray kooxaha dilalka ka geesta Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hadalkan maanta ka sheegay mar uu booqasho gaaban ku gaaray magaalada Afgooye ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay xukuumadiisa ka qaadi doonto kooxaha dambiyada ka gaysta Muqdisho ee raba inay khalkhal geliyaan ammaanka dalka,

Shirdoon wuxuu sheegay inaysan dowladdiisu u oggolaan doonin inay kooxahan sii wadaan falalka ammaan darrada ah iyo dhibaataynta ay u gaysanayaan shacabka.

Wuxuu sheegay inay xukuumaddiisu mudnaan siinto ammaanka dalka iyo xaqiijinta in muwaaddininta ay yihiin kuwa amni ku haysta dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka.

Dhinaca kale. Ra’iisal wasaaraha wuxuu sheegay in maamul ay rabaan loo dhisi doono degamda Afgooye, marna uusan ku talin doonin in Afgooye laga maamulo Muqdisho.

“Afgooye halkan ayaa laga maamuli doonaa, ee Muqdisho lagama maamuli doono” ayuu yiri.

Ugu dambeen waxa uu ra’iisul wasaaraha ka codsaday odayaasha dhaqanka ee reer Afgooye inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka si ay ugu guuleystaan inay xaqiijiyaan ammaanka degmada iyo guud ahaan gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee uu ra’iisal wasaare Saacid booqdo degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, tan iyo markii la doortay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho