Ra’iisal Wasaare Saacid oo la kulmay danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adrea Mazzela. Waxyaalaha ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada waddan.

Kulan qaatay mudo saacad ah kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Danjiraha Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya.

Ra’isal Wasaare Saacid oo ka warbixinaya waxyaabihii ay ka wada hadleen DanjirahaTalyaaniga ayaa yiri.

“Sida aynu ka warqabno waxaa ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya xariir taariikhi ah, waxaana aad uga mahadcelin taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu la garab taagantahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u bilaaban doona labada Dowladood, isagoona xariirkaan ka duwanaan doono xiriirkii ka dhexayn jiray labada waddan.

Waxa kaloo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba soo dhaweynayaan in xariirkaan hada bilowday uu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg dego” Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa intaa ku daray si loo xoojiyo wada shaqaynta labada waddan ay ka rajaynayaan Dowladda Talyaaniga in ay soo dadajiso furitaanka Safaradooda.

Dhanka kale danjirah Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mazzela ayaa dhankiisa xaqiijiyey in xiriir dhow ee dhex mara labada Dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.

“Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa sida wanaagan ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyey, waxaana balan qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto Soomaaliya horumarinta Gaashaandhiga, Cadaaladda, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Dib-U-Dhiska Dalka.

Safiirka Talyaaniga ayaa intaas ku daray in Dowladoodu ay la yeelan doonto xiriir siyaasadeed oo toos ah. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay Xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax qabad la taaban karo boqlka maalmood ee lagu dhex jiro.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay iin deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman, Dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba marinta, ayna bilwoday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arinkaas laga dareemo dhamaan dalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho