Ujeedka Wafti wasiiro heer sare ah ay maanta u tageen Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Onlin) Waxa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay gaaray wafdi wasiirro ah oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiir ku xigeenno, taliyaha ciidanka booliiska Gen: Shariif Sheekhunaa Maye iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa markii ay ka daggeen garoonka diyaaradaha waxa halkaas ku soo dhaweeyay maamulka gobalka Baay iyo ciidamada AMISOM ee halkaas jooga.

Waxana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyadda Baydhabo, halkaasoo kulamo albaabada uu xiran yahay ay la qaateen maamulka iyo ciidamada ajinabiga ee ku sugan Baydhab.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogga qorshaha wafdiggan wasiirada ay ku jiraan ku gaareen magaalada Baydhabo, laakin waxa la sheegayaa in socdaalkooda uu ugu muhiimsan yahay siddii ay u soo qiimeen lahaayeen xaaladda ammaan, midda siyaasadeed iyo tan bulsho ee gobolka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa in lagu qabto shor looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada koonfur Galbeed.

Waxana arrintaas dadka u olaleenaya ku jira guddoomiyihii hore ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo