Ra’iisul Wasaaraha Canada oo ka jawaabay xoriyadda hadalka ee loo adeegsado in loogu gefo diinta Islaamka

Ottawa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa difaacay xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxaa uu yiri “ma ahan xad la’aan” islamarkaana ma ahan “in gef aan loo baahneyn oo sabab la’aan ah” ay ku sameyso dad gaar ah.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal aheyd xuquuqda lagu daabaci karo sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH – ee la midka ah kuwii uu daabacay wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo – ayaa Trudeau waxa uu yiri “mar walba waan difaaci doonnaa xoriyadda hadalka, hase yeeshee xoriyadda hadalka ma ahan mid xad la’aan ah.”

Waxa uu intaas ku daray “waxaa waajib nagu ah inaan dadka kale ula dhaqanno si xushmad leh si aan u baraarno, ee ma ahan inaan dhaawacno dadka aan dunidan wadaagno.”

“Ma jiro qof xuquuq u leh inuu toogasho ka fuliyo shineemo ay dad ka buuxaan. Mar walba waxaa jira xad.”

Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa iska fogeeyey mowqifka uu qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, wuxuuna ku baaqay in xoriyadda hadalka loo adeegsado si taxaddar leh.

Waxa uu intaas ku daray “waa waajibkeena inaan ka warhayno saameynta erayadeenna iyo ficilladeena ay ku yeelan karaan dadka kale, gaar ahaan bulshooyinka iyo kooxaha markii horeba dareemayey takoor.”

Trudeau ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkii saddexda qof lagu dilay ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska, oo uu sheegay “inuusan lahayn wax cudur daar ah.”

Macron ayaa toddobaad ka hor ka careysiiyey dunisa Islaamka kadib markii uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

Hase yeeshee, wareysi uu shalay siiyey Aljazeera ayuu Macron kaga soo dabcay mwoqifkaas, wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”