Jadwal deg deg ah oo loo sameeyey DOORASHADA G/Baarlamanka HirShabelle

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa maanta soo saaray islamarkaana shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

War kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta Berri oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda.

Sidoo kale Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa sheegay in 4-ta Bisha November oo ku beegan Maalinta Arbacada ah la qaban doono doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle.

Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in min hal maalin loo qoondeeyey qabashada araajida musharixiinta, hadal jeedinta iyo doorashada, waxaana doorashada guddoonka oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen lagu dooranayaa muddo seddex maalmood gudahood ah.

Doorashada Hirshabelle ayaa si xowli ah ku socoto iyadoo u muuqato mid aan u baahneyn olole oo Mas’uuliyiintii xilalka qaban lahaa ay diyaarsan yihiin.

Halkan hoose ka aqriso qoraal ay soo saareen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle;