Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku guuleystay billadda Nobel Peace Prize

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway ayaa maanta shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sanadkan ku guuleystay billada nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday

Abiy Ahmed ayaa billadan lagu siiyey dadaalladii uu u galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea.

Abiy waxaa lagu sharfay “dadaalladii uu ugu guuleystay nabadda iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, si gaar ahna hindisihiisii wax ku oolka ahaa ee uu ku xaliyey dagaalkii xuduudda ee kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea” sida ay sheegtay xeer-beegtida Nobel.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri “aad ayaan ugu farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno billada Nobel Peace Prize.”

Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa.

Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen “argagixisada.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaleeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku guuleystay abaal-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway.

Qoraal hambalyo ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo hdigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in guushaan ay timid, kadib markii uu ku guuleystay iskaashiga wadamada Gobolka.

“Waxaan si daacad ah ugu hambalyeynayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ku guuleysashadiisa billada Nobel ee sanadkan. Waa uu qulmaa guusha, waxaana ku raaxeystay inaan kala shaqeeyey xoojinta iskaashiga gobolka.” Ayuu yiri Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com