Abiy Axmed oo aqbalay inuu wadahadal la galo TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

“Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saddex ilo diblomaasiyadeed oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka warqadda 1-dii Oktoobar, oo uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo ku socotay Departition Gebremichael, oo hoggaamiya siyaasadeed ee Tigray.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

Balse ma jiraan wax wadahadal ah oo rasmi ah oo dhacay, intii lagu guda jiray xabbad-joojin shan bilood ah oo socotay intii u dhaxaysay March iyo Ogosto, iyada oo markaas kaddibna uu dagaal xooggani dib uga bilaabmay guud ahaan goboblka Tigrayga.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wada xaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.