Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka amba-baxay Jabuuti, dibna ugu laabtay Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa saaka ka baxay dalka Jabuuti oo uu shalay uga qeyb-galay wejiga koowaad ee shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo shalay ka furmay dalkaasi.

Abiy iyo wafdigii la socday oo ku sii jeeda Itoobiya ayaa waxaa garoonka Ambouli ku sii sagootiyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa door weyn kulahaa qorsheynya iyo qaban-qaabada shirka ka furmay Jabuuti, kaas oo maanta galaya maalintisii labaad.

Sidoo kale wuxuu shalay ka jeediyey furitaanka shirka khudbad xasaasi ah oo uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiim xaaladaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa carabka ku dhuftay  in meelo badan oo  dunida ah ka mid ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waa-weyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle oo shirkaasi marti-geliyey, sidoo kalena guddoomiyey furitaankiisa.