Wasaaradda boostada oo xallisay cabasho la xiriirtay shuruudaha rukhsadaha shirkadaha isgaarsiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay arrimaha shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ka dib markii 7dii Abriil 2020 ay shirkadaha AMTEL, HORMUUD, SOMTEL& GOLIS,oo wada jiraugu soo gudbiyeen Wasaaradda, cabasho ku saabsan shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee uu ku soo rogay Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha cabashada qabay, Maamulka Hay’adda, Guddiga Hay’adda, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Boostada oo gogosha dhigtay ayaa waxaa looga doodayay qodobada ay ku kala aragti duwan yihiin shirkadaha, Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Guddoonka Hay’adda Isgaarsiinta, iyada oo dooddana uu gar-wadeen ka yahay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Dood ka dib, waxay dhinacyadu hoosta ka xarriiqeen :

  1. Guddiga Maamulka Hay’adda waxay ansixiyeen shuruudaha rukhsadaha 04 Febraayo 2019, iyadoo ay goobjoog ka wada yihiin. Nooca rukhsadda markaasi la ansixiyay waxay gaar u ahayd shabakadaha iyo adeegyada isgaarsiinta.
  2. Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta wuxuu 2019-kii ka shaqeeyay Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha, kaasi oo ay dhammaan qeybaha isgaarsiintana ku jiraan.
  3. Hase yeeshee waxaa la isku raacay in Nidaamka Rukhsadaha Mideysanee uu Maamulka Hay’adda uu faafiyay31/05/2020, in uusan marin habkii go’aan-gaarista ee xeer-hoosaadka Hay’adda, taas oo uu maray midkii hore ee la ansxiyey Febraayo 2019, sida ay qabaan xeer-hoosaadka Hay’adda iyo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
  4. In wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo xeer-nidaamiye uu ansixiyey GuddigaHay’addauu u baahanyahay ogolaanshaha GuddigaHay’addasi loo ilaaliyo nidaamka isla-xisaabtanka.
  5. In qiimayaasha iyo muddada ku qoran Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha aan lagala tashan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku xusan Qodobka 44-aad iyo45-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

GO’AANNO &TALO-SOOJEEDIN

Dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxa ay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadau soo jeediyeen talooyinka iyo go,aanada soo socda:

  1. In lagu dhaqmo shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee Guddiga Hay’adda (Board-ka)uu hore u ansixiyey 04/02/2019 kadib marka la dhamaytiro, inta dokomintigii beddeli lahaa laga ansixinayo.
  2. Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha waa nidaam ballaaran oo shaqo badan ay geliyeen maamulkaHay’adda. Hase yeeshee, waxaa loo baahan yahay in la marsiiyo hannaanka dajinta xeer-nidaamiyeyaasha Hay’adda, isla markaana lagala tashado Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Maaliyadda.
  3. In aan lagu dhaqmi karinin Shuruudaha cusub ee Rukhsadaha iyo Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha ee uu Maamulka Hay’adda soo saaray 31kii May 2020.
  4. In Jadwalka Qiimayaasha Khidmaha & Rukhsadaha markii ay ka soo dhammaato Hay’addain loo gudbiyoWasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadasi loogala tashtoWasaaradda Maaliyada, iyadoo tixgelin la siinayo xaaladda adeeg-bixiyahasi waafaqsan qodobka 40(2) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Ugu dambeyntii ka-soo-qeybgalayaasha shirka waxa ay u mahadceliyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ku daray shirka talooyin qiimo badan oo fududeeyey isfahmka iyo iftiiminta qodobada cabashadu ka timid.

Muqdisho, 15ka Juunyo, 2020

Wabillaahi Towfiiq